Wararka Maanta. Talaado, 25 MAY. 2010

DIGAALKA BOOHOODLE

Saddex ciidamada Itoobiya ah iyo toban Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaal saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaas oo dhexmaray ciidamo Itoobiya iyo dad ka tirsan deegaanka.



 

Shirka Soomaalida ee Turkey

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa ku sugan ergooyinka ka qayb galaya shirweynaha Soomaaliya oo ay qaban qaabisay dawladda Turkiga.

madaxweyne Shariif Sh Axmed

 





 

DILKII SARKAAL AL-MABXUUX.

Khamiis, 18 Feb. 2010 (SSG) Maxamuud al-Mabxuux, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Xamaas, waxa meydkisii laga helay bishii hore qol uu kaga jirey hudheel ku yaal Dubai. Waxana la rumaysan yahay in lagu diley shirqool ay soo maleegeen ciidamada MOSAD ee Israel.



AL-SHABAAB OO DHOOBLEEY LAGA QABSADAY.

Khamiis, 18 Feb. 2010 (SSG) Dagaalo ayaa saaka ka dhacay magaalada Dhoobleey oo dhaw Soohdinta u dhexeysa Somalia iyo Kenya, dagaalladaas oo u dhexeeya al-Shabaab iyo ciidamo deegaanka ah oo uu hogaaminayo Jaalle Axmed Madoobe, oo ka tirsan xisbul Islan.



WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO HADA FAHMAY UJEEDADA AL-SHABAAB.

Arbaco 17, Feb, 2010 (SSG) Wasiirka Arrimaha gudaha ee Soomaaliya jaalle  C/qaadir Cali Cumar oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Sharqal-awsat ayaa ku eedeeyay AL-Shabaab inay dalka ka wadaan fowdo iyo rabashado aan dhammaad lahayn.



DUQEYN KA SOCATA MAGALADA MUQDISHIO.

Arbaco 10 Feb, 2010 (SSG) Ugu yaraan toddobo qof oo rayid aha ayaa ku dhintay, ku dhawaad 40 qofna waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday magaalada Muqdisho galabta.


 

WASIIRKA AMINIGA QARANKA OO SHEGAY IN DOWLADA SOMALIA AY DIB U SOO CELINEYSO QARANIMADII SOMALIA.

 



SARKAAL KA TIRSAN XISBUL ISLAN OO XALAY BAM GACMEED LAGU WEERERAY MAGALADA AFGOOYE.

Talaado, Feb, 9, 2010 (SSG Madaxa maamulka garsoorka ee xisbul islan Cisman Fiidow Hassan aya xalay saqdii dhaxe  magalada Afgooye kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen gurigiisa.



AL-SHABAAB OO CIIDANKEEDA KALA BAXEYSO MAGAALADA MUQDISHIO.

Talaado 09, Feb. 2010 (SSG) warar naga soo gaaraya magaalada Muqdishio waxa ay sheega yaan in Al-Shabaab ay ciidankeeda dib ugula baxeyso magaalada Muqdishio, kadib markii ay arkeen dhaq dhaqaaqyo aad u faraban oo ka socda magaalada Muqdishio iyo xeebaha Somalia ay ku soo dhawaanayaan maraakiibta dagaalka ay lee yahiin mareykanka, faransiiska iyo ingariiska.


DOON LAGA HELAY DEGMADA LAAS-QORAY.

Isniin 08 Feb. 2010 (SSG) Ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland ee saldhiggoodu yahay inta u dhexaysa xeebaha Laas-qoray iyo Maydh ayaa shalay aaggaasi ka helay dooni soo caariday oo sidday dad fara badan oo tahriibayaal ah.



DAGAAL CULUS OO KA SOCDA MAGALADA MUQDISHIO.

Iniin 08 Feb. 2010 (SSG) Wararka ka imaanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen, 14 kalena ay dhaawacmeen.



DOWLADA OO RABTO IN AY DIB U QABSATO GOBALKA HIIRAAN.

Isniin 8, Feb, 2010 (SSG) Xildhibaan Cali C/llaahi Xasan oo ka mid ah mudanayaashii kula dagaallamay degmada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islan ayaa sheegay in dowladdu ay dib u qabsan doonto Baladweyne.



SHIRWEYNII LABAD EE URURKA BADBAADA MIDNIMADA HIIRAAN OO KADHCAY LONDON.

Arbaco 3 Feb. 2010 (SSG) Waxaa magalada london ee dalka Ingariiska ka dhacay shirweynihii labaad ee Ururka Badbaadada Midnimada Hiiraan, shirkaas oo ay ka soo qebgaleen Aqoon yahaniin, odoyaal, dhalinyaro iyo haweenka reer hiiraan ee degan magalada London, UK.


 

Ban Ki-moon oo sheegay in aysan Q/Midoobay waqtigan qorshaha ugu jirin Ciidamo caalami ah oo loo dirro dalka Soomaaliya.


Isniin, 1, Feb, 2010 (SSG) Xog-haya guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon oo ayaa isaga oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo la filayo in uu ka furmo shir Madaxeedka wadamada Africa ayaa sheegay in Waqtigan suurta gal aheyn in dalka Soomaaliya loo dirro Ciidamo Caalima ah ilaa inta ay ka soo afjarmayaan ayuu yiri dagaalada sokeeye ee ka jira dalka Soomaaliya.



DIYAARADAHA QUMAATIGA U KACO OO KOR MEEREYSANAYO MAGALADA B/WEYNE.

KHAMIIS. 28 JAN. 2010 SSG): Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarado qumaatiga u kaca ee loo yaqaano nuuca Helicopterska lagu arkay magaalada Beledweyn iyo duleedkeeda.



CIIDAMADA BADBAADADA MIDNIMADA HIIRAAN OO LA WAREEGAY GACAN KU HAYNTA MAGAALADA B/WEYNE.

Talaado 26 Jan 2010 (SSG) Wararka sakayto naga soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in mar kale ciiidamada badbaadada midnimada Hiiraan ay la wareegeen gacan ku haynta magalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan.



DAGAAL XOOGAN OO HADA KA SOCDA GUDAHA MAGAALADA B/WEYNE.

Talaado, January 26, 2010 (SSG): Dagaalkii shalay ka bilowday duleedka magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu soo gaaray gudaha magaalada, waxaana haatan uu dagaal ka  socdaa gudaha magaalada.



DAGAAL XOOGAN OO KA SOCDA MAGALADA B/WEYNE EE GOBOLKA HIIRAAN.

Isniin, January 25, 2010(SSG): Dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxaha Xisbul IslaaN iyo aL-Shabaab oo isku dhinac ah iyo  kuwa CIIDAMADA BADBAADADA MIDNIMADA HIIRAAN IYO ALSUNA oo ka soo jeeda ayaa ka qarxay galabta duleedka xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.



Madaafiic maanta ku dhacday qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Beledweyne.

Jimco, 22, Jan, 2010 (SSG) Inkastoo maanta wax dagaallo ah aysan ka jirin goobaha ay isku hor fadhiyaan Xoogagga ka soo kala jeeday Ciidamada Badbaadada Hiiraan iyo Xisbul Islaan ayaa haddana dhinaca kale waxaa mar marka qaar la maqlayaan dhawaqa Madaafiicda oo ku soo dhacaya qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada.



 

DOWLADA KENYA OO SHEEGTAY IN XILDHIBAANADA SOMALIDA KA BAXAAN DALKOODA.

Khamiis 21 Jan, 2010 (SSG) Wasiirka qaxootiga ee dalka Kenya Mr. Otieno Kajwang ayaa waxa uu u sheegay idaacada BBC in dalkiisa ay si sharci daro ah u degan yihiin ilaa iyo 100 xildhibaan oo Somali ah.



 



GURMAD SOO GAARAY CIIDAMADA BADBAADINTA MIDNIMADA HIIRAAN EE KA DAGALAMAYA MAGALADA B/WEYNE EE GOBALKA HIIRAAN.

Khamiis14 Jan. 2010 (SSG) wararka naga soo gaaraya magalada B/Weyne ayaa waxa ay sheegayaan in uu soo gaaray ciidamada badbaadinta midnimada Hiiraan gurmad aad iyo aad u fara badan oo kala ah ciidamo dhalinyaro ah oo ka yimid degmooyinta gobalka iyo tageero dhaqaalo, oo ay dadka gobalka degan ku tageereen ciidamada badbaadinta dagaalka ku jira.



ODAYAAL DHAQAMEEDKA BEESHA XAWAADLE EE LONDON OO RABA INAY LACAG U URUURIYAAN AHLUSUNNA WALJAMAACA.

Talaado 12 Jan. 2010 (SSG) Odayaal dhaqameedka beesha Xawaadle ee magalada London oo abaabulaya shir ay doonayaan inay lacag ugu uruuriyaan kuna taageeraan AHLUSUNNA WALJAMAACA.



WARARKII UGU DAMBEEYEY EE MAGALADA B/WEYNE.

Talaado 12 Jan. 2010 (SSG) Wararka ugu dambeeyey ee magalada B/Weyne waxa ay sheega yaan in sakay aroortii Xisbul Islan iyo Al-Shabab oo isa soo aruursaday ay dib weerar ugu soo qaadeen magalada B/Weyne, waxaa ka hortagay ciidamada badbaadinta midnimada HIIRAAN iyo shcabkii reer Hiiraan oo aan ka harin.



CIIDAMADA BADBADINTA MIDNIMADA HIIRAAN ''WAA IN LA SAMEEYO HIIRAAN STATE''

Isniinn 11 Jan, 2010 (SSG) Afhayeen u hadlayay ciidamada badbadinta midnimada Hiiraan ee gacanta ku haya magalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in ay lama huraan tahay in la sameeyo HIIRAAN STATE oo ay u dhan yihiin dhamaan dadka degan gobolka Hiiraan, kadib markii gobolka oo dhan laga xoreeyo burcadka ku soo duulay ee dhibaatada ku haya.



 



XUBNO KA TIRSAN BAARLAMAANKA SOMALIYA OO KU DHAWAAQAY IN DOORASHA CUSUB LA QABTO.

Sabti, 9 Jan 2010 (SSG) Ku dhawaad konton xildhibaan oo ka tirsan gollaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen hotel Wehelie ee magaalada Muqdisho.



QARAX KA DHACAY MAGALADA GAALKACYO.

Sabti, 9 Jan. 2010 (SSG) Saddex ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Galmudug ayaa caawa ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay dulleedka xero ciidan oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.




WFP OO DIIDAY CANSHUUR BAAD AH IN AY SIISO AL-SHABAAB.

Jimco, 8 Jan.2010 (SSG) Afhayeenka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo shir jaraa'id u qabtay warbaahinta Muqdisho ayaa cambaareeyay shaqo-joojintii ay ku dhawaaqday Hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP.



SHIR KA DHACAY LONDON,UK OO DHEXMARAY WADADO KA SOO JEEDO GOBOLKA HIIRAAN.‏

Khamiis, 7 Jan. 2010 (SSG). Shir aan hore loo shaacinin oo ay abaabulkiisu lahaayeen qaar ka mid ah culimo reer Hiiraan ah  ayaa waxuu dhex maray in ka badan 20 wadaad oo ku kala sugan gudaha wadanka iyo dibada.Shirka oo markii u bilaawday aayado qur,aan ah iyo muxaadaro ka turjumeyso wanaaga iyo sharafta ay leetahay diinta Islaamka ku furmay. Kedib ayaa la guda galay wax yaabahii keeney in shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah culima'udiin confrensiga ku jirtay ayaa waxaa ka mid ahaa.



 



URURKA XISBUL ISLAN OO BAM GACMEED KU WEERARAY DHALINYARO KU HOWLANAA FALAQEYNTA CIYAARAHA.

Talaado 5 Jan. 2010 (SSG) Ururka Xisbul Islan oo xalay xaafada Dharkinley ee Gobolka Banaadir BAM gacmeed ku weeraray dhalinyaro ku hawlanaa falaqeynta ciyaaraha kubada cagta ee wadanka Ingariiska, waxaana halkaas ka dhacay dhibaato dhimasho iyo dhaawacba leh.



LABO NIN OO LAGU DILAY BARTAMAHA MAGALADA B/WEYNE.

Jimco 1 Jan. 2010 (SSG) Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magalada B/Weyne waxa ay sheegayaan in xalay lagu dilay labo nin oo ka tirsan ururka xisbul Islan meel u dhaw cinema Shiikh Ali Jimcale oo ah bartamaha B/Weyne.


 




 




 

SHIRWEYNE XAWAADLE OO KA DHACAY MAGALADA BIRMINGHAM, UK.

Isniin, 28 Dec. 2009 Shir ay soo qaban qaabiyeen gudiga beesha Xawaadle ee magalada Birmingham ee wadanka Ingariiska, ayna ka soo qeyb galeen gudiga badbadada midnimada Xawaadle ayaa waxa uu ka dhacay magalada Birmingham ee wadanka Ingariiska.

 

 

 

 

DAGAAAL CULUS OO SAAKA DIB UGU BILOWDAY DULEEDKA MAGALADA BALETWEYNE EE GOBOLKA HIIRAAN.

Isniin, 28 Dec. 2009 (SSG) Ciidanka beesha Xawaadle iyo gudiga badbadinta midnimada Xawaadle oo dhaq dhaqaaqyo culus ka wada duleedka magalada B/Weyne.




SHIRWEYNE XAWAADLE OO KA DHACAY MAGALADA LONDON, UK.

Khamiis, 24 Dec. 2009 Shir ay soo qaban qaabiyeen gudiga badbadda midnimada Xawaadle ayaa waxaa ka dhacay magalada London, ee wadanka ingariiska.



SHIRKA JAALIYADA HIIRAAN EE SWITZERLAND.

Arbaco, 16, 2009 (SSG) Mas'uuliyiin iyo Xubno ka tirsan Jaaliyadda Hiiraan ee Switzarland ayaa kulan ay yeesheen kagaga wada Xaaladaha Siyaasada iyo Amaanka Goballka Hiiraan oo bilihii aynu soo dhaafnay ay ka jireen Dagaalo salka ku haya kala qeybsanaanta khilaafka ka dhax oogan kooxaha iska soo horjeeda ee ku dirirsan qeybo badan ka mid ah Dalka Soomaaliya.



DHALINYARO XALAY LAGU DILAY MUQDISHIO.

Talaado, December 15, 2009(SSG): Ugu yaraan 4-wiil oo dhallinyaro ah oo ay ku jiraan laba ganacsato ayaa siyaabo kala duwan xalay loogu dilay degmada Waaberi, waxaana ku jiray laba wiil oo ganacsato ah kuwaasoo lagu toogtay gudaha dukaankoodii.




Daawo bilicda magaalada Baletweyne





 

DHIBAATADA AL-SHABAAB IYO XISBUL ISLAN AY KU HAYAAN GOBALKA HIIRAAN.

Faallo Loolanka Alshabaab iyo Xisbul islaam ee Gobolka Hiiraan iyo walaaca shacabka magaaldda Baledweyne .


Dhaawac loo qaaday Sacuudia

 

 

 

 

 

 


Ururka Xisbul Islan oo manta dhibaato dil iyo karbaashba leh u geystay dad rayad ah degmada Afgooye.

Axad, December 13, 2009(SSG):  Maamulka Ururka Xisbul Islan ee degmada Afgooye ayaa maanta xukunno dil ah ka fuliyay degmada Afgooye, sidoo kale waxaa la karbaashay gabar lagu soo eedeeyay inay fal gogol dhaaf ah sameysay.



 

SARKAAL ISKU DHIIBAY AHLUSUNA WALJAMAACA.

Sarkaal ka mid ahaa maamulkii hore gabalka Hiiraan ee DFKMG oo sakay is ku dhiibay kooxda Ahlusuna Waljamaaca.



AL- SHABAAB OO LA WAREEGTAY MAAMULKA MAGAALADA BELETWEYNE.

Wararka naga soo gaaraya magalada Baletweyne waxa ay sheegayaan in xisbiga Al Shabaab ay la waregeen mamulka guud ee magaalada Beledweyne, waxa kaloo ay sheegayaan ay sameyn doonaan maamul cusub.




SHIRKA BADBAADADA MIDNIMADA XAWAADLE.

20 DECEMBER 2009 Waxaa magalada London ka dhici doono shir ay beesha Xawaadle ugu wada hadli doonaan arimaha xasaasiga ah ee ka taagan Gabaolka Hiiraan.




KIDNAP COUPLE'S VIDEO "




 

 


 


 

 

 


Online Somali Videos

Warbixin By Baafo London

Safiirka Dalka Ingiriiska u Fadhiya Dalka Kenya aya shir la yeeshay Jaaliyada Somalida ku nool London iyadoo ay ka soo qeybgaleen dad aan sidas u badneyn oo kamid ah Aqoonyahanada iyo wax garadka waxayna kawada hadleen xaalada Somaliya.