Waraka maanta

Ururka Xisbul Islan oo maanta dhibaato dil iyo karbaashba leh u geystay dad rayad ah degmada Afgooye

Axad, December 13, 2009(SSG):  Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ayaa maanta xukunno dil ah ka fuliyay degmada Afgooye, sidoo kale waxaa la karbaashay gabar lagu soo eedeeyay inay fal gogol dhaaf ah sameysay.
Xukunnada oo mid uu ahaa qisaas ayaa waxaa lagu fuliyay Axmed Max'ed Cawaale oo la sheegay inuu dil ka geystay tuulo hoostaga degmada Afgooye, halka Max'ed Abuukar Ibraahim oo lagu eedeeyay inuu fal gogol dhaaf ah sameeyay isagoo horay u soo guursaday lagu dilay dhagax.
Sidoo kale Xaliimo Sheekh C/llaahi oo aan horay u guursan isla markaana gogol dhaaf la sameysay Max'ed Abuukar Ibraahim ayaa iyadana lagu dhuftay 100 karbaash, iyadoo maamulka uu sheegay in xukunnada oo dhan ay u cuskadeen diinta Islaamka.
Garsooraha Maxkamadda degmada Afgooye Sheekh Cismaan Siidow Xasan ayaa saxaafadda u sheegay in dadka xukunnada lagu fuliyay ay muddo ku hayeen xabsiga degmada ayna maanta u suurogashay inay xukunnadan ku fuliyaan.
"Dadka xukunnada lagu fuliyay dhammaantood waa qirteen inay dambiyada galeen, waxaana xukunnadan ay ahaayeen kuwo Islaamka lagu saleeyay" ayuu yiri Sheekh Cismaan Siidow oo saxaafadda la hadlay xukunka markii la fuliyay.
Boqolaal qof ayaa goobjoogayaal ka ahaa xukunnada oo ka dhacay barxad weyn oo ku taalla bartamaha degmada Afgooye, waxaana ay noqonayaan xukunkii labaad oo laga fuliyo degmadaas, tan iyo sidii maamul hoostaga Xisbul Islaam loo sameeyay.
Waxaase is weydiin leh dadka degan degaankan marka hore  raali ma ka yihiin joogitaanka Xisbul Islan ay joogaan degaankooda, mise waa dad xoog lagu haysto.

 

K.M Cali

Mombasa, Kenya