Wararka Maanta
DILKII SARKAAL AL-MABXUUX
Khamiis, 18 Feb. 2010 (SSG) Maxamuud al-Mabxuux, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Xamaas, waxa meydkisii laga helay bishii hore qol uu kaga jirey hudheel ku yaal Dubai. Waxana la rumaysan yahay in lagu diley shirqool ay soo maleegeen ciidamada MOSAD ee Israel
Baaritaanka Dubai
Booliska Dubai waxay ilaa hadda soo bandhigeen caddaymo la xidhiidha magacyada iyo baasaaboorrada ay siteen ilaa 11 qof oo lala xidhidhinayo dilkaas. Waxayna sheegeen in dadkaasi ay siteen baasaaboorro Yurubyan ah oo ay ka mid yihiin Ingiriis, Jarmal, Faransiis, iyo Ireland. Caddaymaha inta badan waxa laga helay waaxyaha socdaalka, mukhaabaraadka, telifoonnadii ay isticmaaleen, iyo kamarooyinka loo yaqaan CCTV oo laga arkay dhaqdhaqaaqii eedaysanayaasha, meel kasta min garoonkii diyaaradaha, magaalada dhexdeeda, iyo ilaa xataa markii ay sii gelayeen albaabkii qolkii uu ka deganaa Maxamuud al-Mabxuux huteelkii uu ku jirey. Dhammaan 11 qof ee ilaa hadda la hayo magacyadoodii iyo faahfaahintoodii hore ayay uga baxeen Imaaraadka Caabta
Baasaaboorro Ingiriis ah
Lix ka mid ah baasaabooradaas la isticmaalay waa baasaaboorro Ingiriis ah. Ugu yaraan afar qof oo ka mid ah magacyada ku qoran baasaabooradaasi waxay haatan degga yihiin Israel, waxayna haystaan baasaaboorro Ingiriss ah. Sharciga Ingiriisku waxa uu ogol yahay in qofku lahaado laba dhalasho - tii hore ee asalkiisa ahayd iyo tan cusub haddii uu qaato dhalasho Ingiriisa. Afarta qof ee haatan deggan Israel waxay ku dodeen inay u muuqato in la xaday xogtoodii iyo magacyadoodii. Dhamaan dalalka Yurub ee baasaabooradani ka soo jedaan oo uu ku jiro Ingiriisku
waxay iyaguna ku doodayaan inay suurtogal tahay in baasaaboorradaasi la macmalay amma la xaday
Igiriiska iyo Israel
Raiisal-wasaaraha dawladda Ingiriiska, Gordon Brown, waxa uu ku tilmaamay isticmaalka baasaaboorro Ingiriis ahi ee falalkani inay tahay arrin culus, waxanu ku baaqay in la sameeyo baadhitaan buuxa. Waxa kale oo looga yeedhay danajiraha Israel u jooga Ingiriisku, xcafiiska arrimaha debadda, si wax looga weydiiyo arrimahani. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha debadda ee Israel, Avigdor Liebeman, waxa uu sheegay in aan loo hayn wax caddayn ah in ciidamada MOSAD ee Israel inay ku lug leeyihiin dilkan sarkaalka reer Falastiin. Waxa kale oo uu beeniyey in arrintani ay sii xumayn karto xidhiidhkii Ingiriiska iyo Israel. Hase ahaatee ma aha markii ugu horraysay ee ciidamada MOSAD ee Israel ay u isticmaalaan baasaaboorro macmal ah oo Ingiriis ah, hawlo ay meelo kala geddisan ka fuliyaan. Haddaxka horba, Ingiriisku waxa uu 1980-maadkii uga digey Israel falal noocan ah.
Israel iyo al-Mabxuux
Moxamuud al-Mabxuux waa uu ahaa 50 jir ka tirsan saraakiisha Xamaas, waxanu wax badan deganaa Suuriya. Waxa la rumaysan yahay inuu lug ku lahaa dilkii laba askari oo Israeliyiin ah sanaddii 1989, kacdoonkii Falastiniyiinta. Israel waxa kale oo ay sheegtay in beryihii danbe, Maxamuud al-Mabxuux, uu hub gelin jirey degaanka Gaza, una geyn jirey hubkaas ururka Xamaas.
=======================================================================
Here is place for text.