Wararka Maanta

AL-SHABAAB OO CIIDANKEEDA KALA BAXEYSO MAGAALADA MUQDISHIO.

Talaado 09, Feb. 2010 (SSG) warar naga soo gaaraya magaalada Muqdishio waxa ay sheega yaan in Al-Shabaab ay ciidankeeda dib ugula baxeyso magaalada Muqdishio, kadib markii ay arkeen dhaq dhaqaaqyo aad u faraban oo ka socda magaalada Muqdishio iyo xeebaha Somalia ay ku soo dhawaanayaan maraakiibta dagaalka ay lee yahiin mareykanka, faransiiska iyo ingariiska.

Waxaa kaloo taas dheer in dowladana Somalia ay wado dhaq dhaqaaqyo aad badan oo ay rabto in ay dib ula wareegto magaalada Muqdishio oo dhan, waxaa kaloo intaa dheer xisbul islan oo maalmahan dambe ay awoodiisa sii yaraaneyso, dhalinyaro badan oo Hawiye ahna ay ka baxeen kadib markii ay arkeen in Hassan Dahir Aweys ay gacantiisa ka sii baxeyso gudoomiyanimada ururka, ayna ku wareereen ujeedada ururka iyo cida ay u shaqeynayaan iyo waxa ay u dhimanayaan.

Maalmo ka hor ayaa ciidamadan ajanabi ah laga soo dajiyay dekedda Ceelmacaan, waxaana saldhig looga dhigay Warshaddii Baastada, halaas oo ay kayimaadeen iska horimaad dhex mara dhalinyaradii hawiye ee u dagalamay xisbul islan iyo ciidankaas ajnabiga ah.

Iska hor imaadyadaas waxaa ku dhintay labo wiil oo ay Hassan Dahir Aweys ay qaraabo yihiin.

 

SOMSALGROUP@YAHOO.COM

=======================================================================