SHIRWEYNE XAWAADLE OO KA DHACAY MAGALADA BIRMINGHAM, UK.
Isniin, 28 Dec. 2009 Shir ay soo qaban qaabiyeen gudiga beesha Xawaadle ee magalada Birmingham ee wadanka Ingariiska, ayna ka soo qeyb galeen gudiga badbadada midnimada Xawaadle ayaa waxa uu ka dhacay magalada Birmingham ee wadanka Ingariiska.
Shirkaas oo looga hadlayey dhibaatada aadka u foosha xun ee ka taagan gobolka Hiiraan, iyo sidii looga xoreyn lahaa cadowga ku soo duulay ee xooga ku haysto.
Waxaa ka loo shirkaas looga hadlay xasuuqa lagu hayo beesha Xawaadle guud ahaan iyo gaar ahaan dadka wax garadka ah.
Beesha Xawaadle waxa ay is tuseen, in ay awood u leeyahiin in ay jawaab cad ka bixiyaan arimaha kor ku xusan iskana xoreeyaan cawdowga ku soo duulay.
Al- Shabaab iyo Xisbil Islam, waa in ay isaga baxaan dhamaan gobalka Hiiraan,.
Shirkaas waxey dhamaan gudiyadu isku raceen qodobada soo socda:-
A) In dhamaan Al-Shabaab iyo Xisbul Islan laga xoreeyo lagana nadiifiyo Gobalka Hiiraan, qorey caaradiis.
B) In Gudiga badbadda midnimada Xawaadle ay hurmuud u noqdaan xoreyta gobolka, gudiyada kalena ay ku tageeraan shaqadooda.
c) In beesha Xawaadle meelkasta oo joogto ay tageersan yahiin Baaqii nabadoon Xooshow.
kmc
Here is place for text.