Wararka Maanta
Dagaalka Boohoodle
Saddex ciidamada Itoobiya ah iyo toban Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaal saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaas oo dhexmaray ciidamo Itoobiya iyo dad ka tirsan deegaanka.
Dadka ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa tiradoodu ka badan tahay labaatan qof.
Rasaas xoog leh ayaa ka socotay magaalada dhexdeeda.
Ciidamada Itoobiya ayaa mudo todobaad ah dhinac ka joogay magaalada waxayna gacanta ku hayeen baabuur dadweynuhu leeyaay, ka hor intaan dagaalku bilaaban kaas oo markii dambe magaalada ku fiday.
Lama hubo sida rasaastu ku biilaabantay, laakiin waxa jirey dad arrinta baabuurta ugu tegay ciidamada Itoobiya, intaan dagaalku bilaaban.
=======================================================================
Here is place for text.