Wararka Maanta

DAGAAL XOOGAN OO KA SOCDA MAGALADA B/WEYNE EE GOBOLKA HIIRAAN.

Isniin, January 25, 2010(SSG): Dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxaha Xisbul IslaaN iyo aL-Shabaab oo isku dhinac ah iyo  kuwa CIIDAMADA BADBAADADA MIDNIMADA HIIRAAN IYO ALSUNA oo ka soo jeeda ayaa ka qarxay galabta duleedka xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.
Kooxaha dagaallamaya ayaa isku adeegsanaya hub xooggan oo laga maqlayo gudaha Magaalada, waxaana wararku sheegayaan in dagaalku uu qarxay markii xoogagga CIIDAMADA BADBAADADA HIIRAAN iyo Ahlu sunna Waljaamaca ay weerar ku soo qaadeen ciidamo dhinacyada kale ah oo ku sugnaa agagaarka garoonka Diyaaradaha degmadaas.
Inkastoo mas'uuliyiinta dagaalku uu u dhexeeyo aanay ka hadlin dagaalkan ayaan haddana waxaan jirin warar xaqiiqo ah oo sheegi kara khasaaraha ka dhashay dagaalka oo socda in ka badan 2-saacadood.
Hubka culus iyo rasaasta ay dhinacyadu is-weydaarsanayaan ayaa si tartiib-tartiib ah ugu soo dhawaanaya Magaalada Baladweyne iyadoo dhanka kalena la arkayo gaadiid dagaal oo ay wataan ciidamada Xisbul islan iyo Al-shabaab oo soo galaya Magalaada.

 

somsalgroup.com