Wararka Maanta

DAGAAL XOOGAN OO HADA KA SOCDA GUDAHA MAGAALADA B/WEYNE

Talaado, January 26, 2010 (SSG): Dagaalkii shalay ka bilowday duleedka magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu soo gaaray gudaha magaalada, waxaana haatan uu dagaal ka  socdaa gudaha magaalada.

Xaafadaha uu dagaalka ka socdo ayaa waxaa ka mid ah Nuur Xawaad iyo Dhagax-jebis, waxayna dhinacyada dagaallamaya isu adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud.

Dagaalka ayaa waxaa shalay soo qaaday xoogaga ciidamada badbaadada midnimada Hiiraan iyo suna waljamaaca, kuwaasi oo dhawaan laga qabsaday gacan-ku-heynta magaalada Beledweyne.  Dadkii ku haray  magaalada Beledweyne ee aan ka qixin dagaalladii horay uga dhacay magaalada aya waxay wel wel ka qabaan in dagaalka ay dhibaato ka soo gaarto, iyagoo sidoo kalena ka wel welsan dagaallada aan dhamaadka lahayn ee magaalada ku soo noqnoqday.

Wixii ku soo kordha dagaalka hadda ka socda gudaha Beledweyne kala soco halka haddii Alle idmo