Wararka Maanta

WARARKII UGU DAMBEEYEY EE MAGALADA B/WEYNE.

Talaado 12 Jan. 2010 (SSG) Wararka ugu dambeeyey ee magalada B/Weyne waxa ay sheega yaan in sakay aroortii Xisbul Islan iyo Al-Shabab oo isa soo aruursaday ay dib weerar ugu soo qaadeen magalada B/Weyne, waxaa ka hortagay ciidamada badbaadinta midnimada HIIRAAN iyo shcabkii reer Hiiraan oo aan ka harin.

Wariyaheenna Magaalada Baladweyne Sabriye Fiidow ayaa sheegay in sidoo kale ay hoobiyayaal ku dhacayaan gudaha Magaalada, ayagoo xisbulIslan iyo Al-Shabaab ugu talagaleen in ay xasuuqaan shacabka magalada, kadib marklii ay ogaadeen in dadka magalada oo dhan ay tageersan yihiin ciidamada badbaada midnimada HIIRAAN.

Waqtiga xaadirka ah magalada B/Weyne aad iyo aad u degan tahay, afhayeenka ciidanada badbaada midnimada Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in ay soo gaareen gurmad deg deg ah, oo ka kala yimid degaanada gobalka Hiiraan.

 

 

K. M. CALI

 

SOMSALGROUP@YAHOO.COM