Wararka Maanta

DIYAARADAHA QUMAATIGA U KACO KOR MEEREYSANAYO MAGALADA B/WEYNE.

 

KHAMIIS. 28 JAN. 2010 SSG): Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarado qumaatiga u kaca ee loo yaqaano nuuca Helicopterska lagu arkay magaalada Beledweyn iyo duleedkeeda.

Sida ay sheegayaan wararka Diyaaradahan Helicopterska ayaa dad ku arkay duleedka magaalada ay soo sheegeen in ay ahaayeen ilaa dhowr xabo, waxaana wehliyay diyaaradaha loo yaqaano AC-da ee wax basaasta.

Dadka magaalada Beledweyn oo maalmahan ay heysay cabsi dagaal ayaa diyaaradahan ay wal wal hor leh ku sii abuureen, waxaana dadka qaar ay sheegeen in ay xaafadaha bari ay ku soo dhowaadeen.

Taliyaha Ciidamada Xisbul islaAn Shuuriye Sabriye iyo taliyaha ciidamada badbaadada midnimada Hiiran Aden Cabdule Cawale oo ayaga isku haysta maamulka gobolka ayaa xaqiijiyay diyaaradahan.

Magaalada Beledweyn ayaa waxaa ka jira xiisado dagaal oo soo noq noqday, waxaana dagaalo ka dhacay todobaadyadii u dambeeyay ay sababeen in boqolaal qoys ay ka barakacaan magaalada.

Lama oga diyaaradaha halka ay ka yimaadeen, hase ahaatee dadka qaar ayaa sheegaya in diyaaradaha ay dhinaca Itoobiya ka yimaadeen, gaar ahaan Xuduuda oo ay buuxaan kumanaan ka tirsan Ciidamada Itoobiya.

 

 

somalisalvationgroup.com

somsalgroup@yahoo.com