XUBNO KATIRSAN BAARLAMAANKA SOMALIYA OO KU DHAWAAQAY IN DOORASHA CUSUB LA QABTO.

 

Sabti, 9 Jan 2010 (SSG) Ku dhawaad konton xildhibaan oo ka tirsan gollaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen hotel Wehelie ee magaalada Muqdisho.

Mudanayaashan ayaa waxay kullankoodaasi ka shaaciyeen in guddoonka baarlamaanka uu ka dhamaaday waqtigii loo doortay oo loo baahan yahay in la doorto xubno cusub.

Xildhibaanadan waxay sheegeen in ay xukuumadda KMG ah ugu baaqayaan in ay u qaban qaabiso kalfadhi lagu doorto guddoon cusub, taasi oo ah guddoomiye cusub iyo ku xigeenadiisa.

Xildhibaanada ayaa waxa ay afhayeen saxaafadda la hadlo u dorteen xildhibaan Cumar Islow Maxamed, ayaa BBC u sheegay in ay guddoonka baarlamaanka ee xilligan uu waqtigiisu ku ekaa bishii August ee la soo dhaafay, taasina aanay sharci ahayn.

 

SOMSALGROUP@YAHOO.COM