Wararka Maanta

 

DOWLADA OO RABTO IN AY DIB U QABSATO GOBALKA HIIRAAN.

Isniin 8, Feb, 2010 (SSG) Xildhibaan Cali C/llaahi Xasan oo ka mid ah mudanayaashii kula dagaallamay degmada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islan ayaa sheegay in dowladdu ay dib u qabsan doonto Baladweyne.

Mudanaha oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay inuu u yimid sidii uu u xalin lahaa khilaaf u dhexeeya dowladda oo sababay in xoogaga Islaamiyiinta ah ka saaraan degmadaas ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

"Mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaa iska leh eedda ku aaddan ka bixitaankii ay gacanta dowladda ka baxday Baladweyne, balse waxaa socda dadaallo lagu xallinayo khilaafaas si dib loogu qabsado Baladweyne" ayuu yiri Xildhibaan Cali.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay la wareegto gobolka Hiiraan oo uu sheegay inuu muhim u yahay Dowaldda Soomaaliya, ayna dhawaan weerari doonaan.

Ma sheegin mudanuhu khilaafka wuxuu yahay iyo cidda uu kala hadli doono, isagoo xusay in isaga iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan ay ku laaban doonaan Gobolka Hiiraan si ay u qabsadaan.

Bishii lasoo dhaafay ee sannadkan ayaa waxay dagaallo khasaarooyin kala duwan geystay ku dhexmareen xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyo Ahlusunna oo isku dhinac ah iyo Xoogaga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda.

 

 

 

=======================================================================