Wararka Maanta

DUQEYN KA SOCATA MAGALADA MUQDISHIO

Arbaco 10 Feb, 2010 (SSG) Ugu yaraan toddobo qof oo rayid aha ayaa ku dhintay, ku dhawaad 40 qofna waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday magaalada Muqdisho galabta.
Duqeynta ayaa bilaabatay markii kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay madaafiic ku tuureen xerooyin ay degan yihiin ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo kuw dowladda Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa iyaguna ka jawaabay duqeyntaasi oo madaafiic ku garaacay xaafadaha qaar.
Dadka dhintay ayaa waxa madaafiicdu ku dileen xaafado ka tirsan degmooyinka Wardhiigleey iyo Hawl-wadaag.
Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxa ay qaarkood ka qaxayeen dagaallo xoogan oo laga cabsi qabo inay dhexmaraan ciidamada dowladda iyo mucaaradka, oo maalmahii dambe keensaday ciidama ajanabi ah oo mujaahidiin ah.

 

 

 

=======================================================================