Wararka Maanta

QARAX KA DHACAY MAGALADA GAALKACYO.

Saddex ka tirsan ciidamada maamul goboleedka Galmudug ayaa caawa ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay dulleedka xero ciidan oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.

Qaraxyadan oo ahaa bambo gacmeeydo ayaan la ogeyn cid ka dambeysay.

Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa waxay sheegeen maanta inay qabteen nin ay ku eedeeyeen in uu miino gelinayay meel jidka laamiga ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa wali waxaa maamulka Galmudug uga socda shirar ay ku dhisanayaan maamul, iyadoo uu weli joogo magaalada wasiirka macdanta iyo biyaha Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.