Wararka Maanta

Ban Ki-moon oo sheegay in aysan Q/Midoobay waqtigan qorshaha ugu jirin Ciidamo caalami ah oo loo dirro dalka Soomaaliya.


Isniin, 1, Feb, 2010 (SSG) Xog-haya guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-moon oo ayaa isaga oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo la filayo in uu ka furmo shir Madaxeedka wadamada Africa ayaa sheegay in Waqtigan suurta gal aheyn in dalka Soomaaliya loo dirro Ciidamo Caalima ah ilaa inta ay ka soo afjarmayaan ayuu yiri dagaalada sokeeye ee ka jira dalka Soomaaliya.
 
Hadalka Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay ayaa meesha ka saaraya codsi dhowr jeer oo hore kaga yimid ah QM wadamada Midowgga Afirca kuwaa oo ka codsaday in dalka Soomaliya la geeyo Ciidamo la wareega Mas'uuliyada Nabad ilaalinta Dalka Soomaaliya oo hadda ay hayaan Ciidamo ka socda Midowgga Afirca.
 
Laakiin Ban Ki-moon Xog-hayuhu waxaa uu soo badhigay ilaa Sadax talaabo oo sida uu sheegay xal looga heli karo dhitaada ka taagan dalka Soomaaliya looguna joojin karo Colaada sii baaheysa.
 
"Waa in marka hore la xoojiya awooda Ciidamada Militariga iyo Baliiska Dowladda Soomaaliya, Talaabada labaadna waa in QM midoobe u dirtaa dalka Soomaaliya gudi la socda xaalada dalka Soomaaliya, iyo waliba Talaabada sadaxaad oo noqon karta in marka kadib laga fakaro bal in la geyn karo Soomaaliya Ciidamo Nabad xoojiya ayuu yiri Ban Kii-moon Xog-haya guud ee QM.
 
Ban Ki-moon waxaa uu intaa ku daray in ay siweyn uga walaacsan yihiin mashada ka oogan dalka Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray in waliba QM diyaar la tahay taageeradii ay siiso Ciidamada ka socda AMISOM ee ka socda wadama Burundi iyu Uganda, waxaana uu intaa ku daray in ay bar bar taagan yihiin Dowladda hadda ka jirta dalka Soomaaliya.
 
Sikastaba ha ahaatee, marka la eego xaalada dalka Soomaaliya waxaa la oran karaa hadda waa mid aad u cakiran, waxaana muuqanaya in ay jiraan Caqabado badan oo ka horimanaya Dowladda hadda ka jirta dalka Soomaaliya oo dagaal ba'an kula jirta Ururo diimeedyo is baheystay, inkastoo haddana Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu sheegay in dhawaan Ciidamada Dowladdu dagaal toos ah ku qaadi doonaan kooxaha ka soo horjeedan.
 

 

 

C/raxmaan Diini, HIiraan Online
diini@hiiraan.com