Wararka Maanta

LABO NIN OO LAGU DILAY BARTAMAHA MAGALADA B/WEYNE.

 

Jimco 1 Jan. 2010 (SSG) Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magalada B/Weyne waxa ay sheegayaan in xalay lagu dilay labo nin oo ka tirsan ururka xisbul Islan meel u dhaw cinema Shiikh Ali Jimcale oo ah bartamaha B/Weyne.

Dilka labadaas nin oo ay ka danbeeyeen dhalinyaro Xawaadle oo kacdoon ah, kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibatada joogtada ah ee shacbiga reer Hiiraan lagu hayo.

Sida aad ula socotiinba maalmahan danbe waxaa magalada B/Weyne ku sugnaa burcad u dhalatay gobalka Galgaduud kuwaas, oo xasuuq ku haya reer Hiiraan.

Waxaa ka loo bilowday dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan ciidamada badbadada midnimada Reer Hiiraan gudaha magalada, lana sheegayo xabadu in ay ka socoto bartamaha magalada.