Wararka Maanta
DAGAAL CULUS OO KA SOCDA MAGALADA MUQDISHIO
Iniin 08 Feb. 2010 (SSG) Wararka ka imaanaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen, 14 kalena ay dhaawacmeen.
Dadkan, ayaa dhibaatadu ka soo gaartay dagaal dhexmaray xoogaga ka soo horjeeda dowladda iyo ciidamada dowladda ku meelgaarka ah oo ay taageerayaan ciidamada Midowga Africa ee nabad ilaalinta loo geeyay Soomaaliya.
Hay'adda Elman, oo ka mid ah kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, ayaa BBC-da u sheegtay in inta badan dadka ku waxyeeloobay dagaalka ay yihiin dad rayid ah.
Magaalada, ayaa wararku sheegayaan in ay xaaladeeda kacsan tahay si ka duwan sidii ay ahayd, iyadoo dad badanna ay guryahooda ka cararayaan.
=======================================================================
Here is place for text.