Wararka Maanta

SARKAAL KA TIRSAN XISBUL ISLAN OO XALAY BAM GACMEED LAGU WEERERAY MAGALADA AFGOOYE.

Talaado, Feb, 9, 2010 (SSG) Madaxa maamulka garsoorka ee xisbul islan Cisman Fiidow Hassan aya xalay saqdii dhaxe  magalada Afgooye kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen gurigiisa.

Weerarka oo loo adeegsaday Ban kuwa gacanta laga tuuro ah lama sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaaray mas'uulka la weeraray laakiin waxaa uu khasaare u geystay qeyb ka mid ah guri oo bur bur soo gaaray, waxaana markiiba tagay halka weerarku ka dhacay Ciidamo ka tirsan Xisbul Islan.
 
Kooxaha weerarka qaaday ayaa markiiba baxsaday umana suurta galin Ciidamadu in ay qabtaan, laakiin waxaa jira sida mas'uulka weerarka lagu qaaday uu u sheegay Warbaahinta baaritaanno la wado si loo ogaado kuwii ka danbeeyay wararkaasi.
 
Bilihii ugu danbeeyay waxaa xoogeysanayay weerarada lagu hayo Saraakiisha Ururka Xisbul Islan oo ka mid ah garabyada la dagaalama Dowladda Soomaaliya, waxaana waxaana weeraradaaasi intooda badan ay ka dhacaan deegaannada ay gacanta ku wada hayaan iyaga iyo AL-Shabbab oo xiriirkii u dhaxeeyay wax xoogaa uu mugdi soo galay.
 
Waxaana xusid mudan in maalmo ka hor weerar kan la mid ah lagu qaaday gaari uu la socday Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbul Islan kaa oo lagu magacaabo Barre Cabdi Barre, oo ah raga sida weyn ugu dhaw dhaw Guddoomiyaha Ururka  Xassan Daahir Aweys.

 

somsalgroup@yahoo.com

=======================================================================