Wararka Maanta
AL-SHABAAB OO DHOOBLEEY LAGA QABSADAY
Khamiis, 18 Feb. 2010 (SSG)Dagaalo ayaa saaka ka dhacay magaalada Dhoobleey oo dhaw Soohdinta u dhexeysa Somalia iyo Kenya, dagaalladaas oo u dhexeeya al-Shabaab iyo ciidamo deegaanka ah oo uu hogaaminayo Jaalle Axmed Madoobe, oo ka tirsan xisbul IslaN.
Sida wararku ay sheegayaan waxaa dagaalkaasi ku gacansareeyay oo magaalada qabsaday ciidamada Axmed Madoobe, inkastoo wararku sheegayaan in weli rasaasi ay ka soo dhacayso meelo aan ka fogeyn magaalada Dhoobleey.
Weli lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalka geystay, laakiin waxaa la sheegayaa inay jirto dhimasho iyo dhaawac dadka rayidka iyo dhinacyada dagaallamayay
Here is place for text.