Wararka Maanta

SHIRWEYNII LABAD EE URURKA BADBAADA MIDNIMADA HIIRAAN OO KADHCAY LONDON.

Arbaco 5 Feb. 2010 (SSG) Waxaa magalada london ee dalka Ingariiska ka dhacay shirweynihii labaad ee Ururka Badbaadada Midnimada Hiiraan, shirkaas oo ay ka soo qebgaleen Aqoon yahaniin, odoyaal, dhalinyaro iyo haweenka reer hiiraan ee degan magalada London, UK.

Waxaa halkaas warbixin ka soo jeediyey gudiga fulinta badbaadada midnimada Hiiraan Mahamud Diiriye Mahamed iyo Kenadid Mumin Cali waxayna ka hadleen ujeedada ururka badbaadada midnimada Hiiraan, sidii xal loogu heli lahaa xaaladada siyaasadeed ee gobalka iyo wax qabadka ururka.

War bixintaas ka dib waxaa halkaas ka hadlay Abaasador Abshir Osman, G/Sare Dauud Cabdi Shiikh, iyo G/sare yusuf mataan oo halkaas hambalyo u soo jeediyeen shaqada ay qabteen iyo shaqada badbaadada midnimada Hiiraan.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Dr. Maryam haji Elmi oo warbuxin ka bixisay sidii loo midayn laha beelaha degan gobalka si loo helo nabad waarto.

Waxaa sidoo kale halkaas warbixino dhaadheer ka soo jeediyey DR. Dhaqane iyo Shiikh Ali qeyr oo ku saabsaneed xaalada ugu dambeysay ee gobalka.

=======================================================================