Title
- Navlink 11
- Navlink 12
- Navlink 121
- Navlink 122
- Navlink 123
- Navlink 13
- Navlink 14
- Navlink 15
Title
Subtitle
- Navlink 11
- Navlink 12
- Navlink 121
- Navlink 122
- Navlink 123
- Navlink 13
- Navlink 14
- Navlink 15
Subtitle
- Navlink 11
- Navlink 12
- Navlink 121
- Navlink 122
- Navlink 123
- Navlink 13
- Navlink 14
- Navlink 15
Login
Search
Heading h1
Heading h2
Heading h3
Paragraph text
Lorem ipsum dolor sit amet, consectetur elit, sed do eiusmod tempor incididunt ut labore et dolore magna aliqua.
Bulleted list
Ordered list
- Link 1
- Link 2
- Fact 1
- Fact 2
Text orientation
Text left.
Text center.
Text right.
Image
(text align left)
Here is place for text.

Here is place for text.
Image
(text align right)
Here is place for text.

Here is place for text.
Text link
Here is a link.
Image link
Text as in image sections above.

Text as in image sections above.
SHIR KA DHACAY LONDON,UK OO DHEXMARAY WADADO KA SOO JEEDO GOBOLKA HIIRAAN.
Khamiis, 7 Jan. 2010 (SSG). Shir aan hore loo shaacinin oo ay abaabulkiisu lahaayeen qaar ka mid ah culimo reer Hiiraan ah ayaa waxuu dhex maray in ka badan 20 wadaad oo ku kala sugan gudaha wadanka iyo dibada.Shirka oo markii u bilaawday aayado qur,aan ah iyo muxaadaro ka turjumeyso wanaaga iyo sharafta ay leetahay diinta Islaamka ku furmay. Kedib ayaa la guda galay wax yaabahii keeney in shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah culima'udiin confrensiga ku jirtay ayaa waxaa ka mid ahaa.
1-Kaalin intee la eg ayey ku leeyahiin culimada reer Hiiraan colaadaha ka holcayo gobolka Hiiraan yaase qaadayo masuuliyada xasuuqii ka dhacay gobolka waxii ka danbeeyey kacdoonkii maxkamadaha 2006?
2-Ma jiraa shaqsi la yaqaano oo reer Hiiraan ah oo kooxahaan gacanta ku hayo gobolka farta si toos ah loogu fiiqi karo oo lala xariiri karo?
3- Kaalin intee la eg ayey culimada reer Hiiraan ka qaadan karaan dib u dhiska iyo nabad ku soo dabaalida gobolka Hiiraan?
Hadaba qodobadu wey badnaayeen laakin maanta waxaanu kaga hadleynaa sedaxdaan qodob oo kaliya.ugu horeyn shirka waxaa ku jiray ilaa 7 wadaad oo ku sugnaa gudaha wadanka waxaane laga dhageystay sida ay wax u jiraan iyo waxa keeney in shacabka la dhibaateeyo.waxaana hadalkii qaatay wadaadadii ku sugnaa gudaha wadanka warkiina waxey ku bilaabeen sidan.
Horta anagu wadaadada reer Hiiraan oo dhan codkooda kuma hadli karno oo ma dooneyno in aan inagoo magacooda ku hadleyno aan Ilaahey danbi ka galno, laakin waxaanu ka hadleynaa fikirkeena iyo sida ay wax u jiraan.Dib uguma laabaneyno sidii uu kacdoonkii 2006 ku bilaawday laakin waxaan dooda ku soo koobeynaa bur burkii ku yimid maxkamadahii Islaamiga.Maxkamadahii Islaamiga waxaa bur buriyey rag hada ku jiro kooxahaan dagaalka wado iyo dowlada oo marqaati ayey leetahay arintaas.Xiligii maxkamadaha ay ka curteen gobolka waxaa reer HIiraan ugu jiray ilaa 7 wadaad oo si fiican looga yaqaano gobolka Hiran iyo dalka intiisa kale isagoo mid mid u sheegayey magacyadooda.Dhinaca kale waxey sheegeen in dhibta gobolka ka dhacayso aysan wadaado badan oo reer Hiiraan ah oo gudaha wadanka ku sugan aysan wax shaqo ah ku laheyn laakinse tiro yar oo culimo ah ay arintaan lug ku leeyahiin sida iyagoo halkaas ku soo bandhigay magacyada wadaado gaarayo 5 oo ay sheegeen hadaan gobolka ragaas laga qaban ay jid xun ku danbeyn doonaan shacabka gobolka Hiiraan. iyagoo cabirayey jawaabne ka bixiyey su,aasha ugu danbeysa ayey sheegeen in xalku uu ku jiro in shacabka gobolka loo daayo danahooda madaamada shaqsiyaad dano goyni ah ka leh gobolka ay umadii qalad ka fahamsiiyeen diinteenii sharafta badneyd oo shacabka loo tusiyey iney tahay diin dagaal.
Intaa kedib waxaa hadalka qaatay culimadii ku sugneyd qurbaha oo dibad jooga ahaa. waxeyna dhamaantood qireen in ay lagama maarmaan tahay in la helo liiska saxda ah ama wadaadada reer Hiiraan ugu jirto kooxahaan si masiibada ka socoto dalka Somaliya iyo Hiiraan aysan mustaqbalka u saameyn guud ahaan culimada reer Hiiraan oo ay lagama maarmaan tahay in la aruuriyo shaqsiyaadka kooxahaan ka tirsan oo reer Hiiraanka ah magacyadooda.Arintaasne si weyn ayey culimadii gudaha iyo kuwii qurbaha iskugu raaceen.waxaa kale oo leys tusiyey kaalinta ay hada culimada ka qaadan karaan dib u dhiska iyo sidii loo nabadeyn lahaa gobolka Hiiraan.waxaana hadalkii dib ugu soo laabatay culimadii ku sugneyd gudaha wadanka oo soo jeediyey in hadii shacabka xal loo haayo aan inagoon wax kale qaban soo diyaarino liis dheer oo ay ku qoran yahiin culimada reer Hiiraan ee dagaalka iyo colaadaha ka wado gobolka magacyadoodane intii arintaan ku lugta laheyd si Public ah loogu gudbiyo shacabka gobolka Hiiraan kedib shacabku ama ha iska qabtaano ama ha cafiyaane iyagey u taal.
Xalku markuu intaas marayo ayaa mid ka mid ah wadaadadii qurba joogta soo jeediyey in inta laga helayo liiska culimada reer Hiiraan ugu jirto kooxahaan oo rasmiga ah aan go,aan lagu deg degin.Laakin arintaas waxaa ka biyo diiday ragii gudaha wadanka ku sugnaa iyagoo sheegay in aan leysku mashquulin liiska culimada reer Hiiraan ugu jirto magacyadooda in la raadiyo waanu heynaa hadaba dadka haloo soo bandhigo kedibna aan arinta halkaas ka amba qaadno.Liiska waxuu gaarayaa ilaa 25 laakin 10 ka mid ah ma ahan reer Hiiraan waa dad ku dhashay kuna bar baaray koofurta Somaliya laakinse qabiilooyinka ay ka soo jeedaan ayaa dega gobolka Hiiraan.Shirkan oo ahaa mid bilaaw ahaa ayaa ujeedadiisu waxey aheyd sidii qaar badan oo culimada reer Hiiraan ka mid ah oo lagu xanto iney kooxahaan si toos ah iyo si dadban ula shaqeeyaan ay dadka u tusin lahaayeen iney arintaan gobolka ka socoto aysan wax danbi ah kulaheyn.Waxaad moodaa in hada culeyska ugu badan uu saaran yahay culimada ka soo jeedo gobolka Hiiraan oo qaarkood hada bilaabay iney caruurtooda iyo xaasaskooda kala cararaan gobolka kedib markii ay ka warheleen in kooxo degaanka u dhashay oo dhawaantaan is abaabulay ay wacad ku mareen iney ugaarsan doonaan culimada gobolka u dhashay oo kooxahaan ku xiran, taas oo cabsi galisay in ay caruurtooda iyo xaasaskooda ku aaminaan gobolka Hiiraan.
Hadaba waxaan idiin soo gudbin doonaa magacyada liiska culimada ugu jiro reer Hiiraan kooxahaan sida Al Shabab iyo Xizbul Islaam kedibna shacabka ayey u taalaa sidey iskaga qaban lahaayeen. magacyada waxaa ku jiro rag hada qurbaha ku nool oo gobolka ka soo cararay markii ay waxii ay qasi karaan qaseen.Waxaan ka cudur daaraneynaa hadii uu liiska soo daaho waayo liiska marka la soo diyaariyo waxaa ku saxiixnaan doonto culimadii soo diyaarisay oo dhan iyo magacyadooda si dadku u ogaadaan in aysan arintu aheyn mid ay shaqsiyaad goyni ah iska soo dhoodhoobeen.
Hadaba hadii liiskaan la soo bandhigo waxey reer Hiiraan noqon doonaan gobolkii ugu horeyey ee qaar culimadooda ka mid ah ay u iftiimiyaan kuwa dhibka ku haya shacabka, waxaana guusha ugu weyn helayo shacabkii dadkooda la xasuuqay oo u sahlanaaneyso iney dacwad ku oogaan shaqsiyaadkan u dhashay gobolka ee kooxahaan ku jiro.
Isku soo duuboo shacabka ayey u muuqataa iney kooxahaan ka guuleysan doonaan mar hadii arintu ay ku soo aruurtay yaa ka masuul ah dhibaatadii ka dhacday gobolka Hiiraan iwm.
Waxaa soo diyaariyey Cilmi Khalif
somsalgroup@yahoo.com