Wararka Maanta

WASIIRKA AMINIGA QARANKA OO SHEGAY IN DOWLADA SOMALIA AY DIB U SOO CELINEYSO QARANIMADII SOMALIA.

 

Arbaco, Feb. 10, 2010(SSG): Wasiirka Ammaanka Qaranka Somalia C/llaahi Max'ed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ka sheegay Muqdisho in dowladdu ay diyaar u tahay inay dib u soo celiso Qarannimadii Soomaaliya ayna diyaarisay ciidamadii howshaas qaban lahaa.
C/llaahi Sanbaloolshe wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaargareysay ciidamadeeda kala duwan, taasoo ay muddo dheer kusoo jirtay, waxaana uu sheegay inaysan dhici doonin in dagaal weyn oo khasaare badan geystay.
"Dowladdu ma jirto dagaal ay qaadayso oo ay isku raacday, balse waxaa jirta in go'aan lagu gaaray in ammaanka dalka la sugo, maadama kooxaha naga soo horjeeda ay awood ahaan aad uga  liitaan xiligaan, ayna dowladu awood ahaan dhisan tahay" ayuu yiri C/llaahi Sanbaloolshe.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladu ay mushaaraadka siisay ciidamada, ayna taas uga dan leedahay inay howlgalkeeda bilowday, isagoo sheegay in xagudubydii ay geysan jireen ciidamada la dhimay 80% inkastoo ay jiri karaan wax dhici kara.
"Kooxaha Dowladda kasoo horjeeda waxay hubka kasoo tuuraan goobaha ay shacabka ku sugan yihiin, si ay ugu eedeeyaan dowladda iyo AMISOM, waxaase inaga naga go'an inaan yareyno dhibka dadka gaaraya markii ay dagaalladu dhacayaan" ayuu yiri wasiirka oo ka jawaabayay in ciidamada dowladu ay xadgudubyo u geystaan dadka rayidka ah.
Mar la weydiiyay cidda bixisa amarka ay ciidamada AMISOM ku duqeeyaan goobaha ay dadku rayidka ku harsan yihiin ee Muqdisho, ayaa wuxuu kaga jawaabay inaysan jirin cid bixisa amar dadka lagu duqeeyo, balse ay dhacayso in dadku ay waxyeello gaarto, maadaama kooxaha hubeysan ee ka horjeeda xukuuumada ay hubka kasoo ridaan dadka dhexdooda.
"Ciidamada AMISOM halkan uma joogto inay dadka dhibaateeyaan, waxayse u joogaan inay ka shaqeeyaan amaanka, mana jiro amar aan ku bixinay in dadka shacabka ah la duqeeyo, balse haddii uu dagaal dhaco meel walba ayay wax ku dhici karaan" ayuu yiri C/llaahi Sanboloshe.
Wasiirka Ammaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in lagu dilay Muqdisho sarkaal shisheeye ah oo ka barbar dagaallami jiray kooxaha dowladda kasoo horjeeda, waxaase hadalkaas beeniyay Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere).
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab iyo Wasiirka Ammaanka Qaranka Soomaaliya ayaa labaduba waxay wareysiyo kala duwan siiyeen Idaacadda BBC-da laanteeda Af Soomaaliyga, iyagoo ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

 

=======================================================================