DHIBAATADA AL-SHABAAB IYO XISBUL ISLAN AY KU HAYAAN GOBALKA HIIRAAN.

 

Talaado, 15 Dec. 2009

Faallo Loolanka Alshabaab iyo Xisbul islaam ee Gobolka Hiiraan iyo walaaca shacabka magaaldda Baledweyne
Iyadoo hadda uu soo if baxay khilaafka udhaxeya awoodaha hubeysan ee wata fikirka diinta gabi ahaane kasoo hojeeda dowladda KMG-ah ee soomaaliya ,ayaa haddana waxaa maalmihii danbe jirtay in maamullo umagacaabayeen gobolka kuyaal bartamaha soomaaliya ee hiiraan ,iyadoo ujeedka rasmiga ah ay tahay cidda sida rasmiga ah uga arimindoonta magaaladda Baledweyne ee gobolka Hiiraan .

Ururka Alshabaab oo siga ah ururka ugu weyn ee lasheegay in uu ku xeran yahay alqaacidda ayaa dhawaan maamul hor leh umagacaabay gobolka Hiiraan ,kaasi oo ay sheegeen in uu yahay walaayo katirsan xarakadooda ,iyada ay xusid mudantahay intabadan Gobolkaasi ay ka arimiyaan iyaga marka laga reebo magaaladda Baledweyne iyo Matabaan oo ay kalataliyaan Ururada Xisbul islaam iyio culimaa,udiinka Ahlu sunna waljameeca .ayaa haddana dadka intiisa badan waxa ay ku micneeyeen maamulka cusub ee Al shabaab gobolka umagacaabeen in ay tahay midd ay kaga gol leeyihiin sidii ay magaaladda Baledweyne uku darsan laahaayeen maamulkooda ,maadaama intabadan masuuliyiinta Alshabaab ay magacaabeen ay ubadanyihiin rag aad uda yar oo ay suurta gal tahay in ay si sahlan ku bilaabaan dagaal udhaxeeya iyga iyo uruka kale ee mucaaradka ah ee dhawaan khilaafkooda soo if baxay ee Xisbul islaam ,maadaama horey Alshabaab ay ula wareegeen gacan kuhaynta deegaanada muranka uu ka bilowday eeJubooyinka .

Inkasto oo hadda ay muuqato in cid kasta hadda ay ubira tumaneyso sidii ay uga arimin laheyd magaalada Baledweyne ayaa haddana waxaa jirra qorshayaal dowladda ay dooneyso in guud ahaan gobolka hiiraan maamul ugu magacawdo kaasi ay ku howlanyihiin xildhibaano,Waxgarad,Odoyaaldhaqameed gobolka ah ,xulitaanka dadkii ku haboonaa qabashada xilalaka Gobolka iyo Degmooyinka.

Dhaqdhaqaaqyada iyo dhinacyada islaamiyiinta ee xilligan kuwada sugan gobolka hadda majiraan wax wada shaqeyn ah oo kadhaxeyasa iyadoo cid kasta ay ku fikireyso sidii magaalada Baledweyne mar uun uxakumi laheyd , taasi ayaa waxaa cadeyn u ah in magaalada maamullada isdabajooga ah dhinacyadaasi magacaabayaan .

Shacabka kudhaqan magaalada Baledweyne waxa ay wali xasuustan dhibaatooyikii kadhashay qaraxii kadhacay magaaladda ,ee ay daka badani ku dhinteen oo ay kamid ahaayeen Wasiirkii amniga allaha unaxariistee Cumar Xaanshi Aadan. Abaasatoor Cabdi kariin Xuseen Faarax Laqanyo iyo Odyoyaal dhaqameed iyo dadweyne kale oo aad ufarabadan waxa ayna hadda eegayaan halka xaal ku danbeyn doono laakiin dad badan ayaa waxa ay is weydiiyaan sababta Gobolka Hiiraan kadhigtay meel mar kasto lagu loolamo iyadoo uu ahaan jiray gobolka Soomaaliya ugunabadda badnaa.

 

ABDICASIIS ADAN FARAH
HIIRAANWEYN.COM
SOMALISALVATIONGROUP.COM