Wararka Maanta
DOON LAGA HELAY DEGMADA LAAS-QIRAY
Isniin 08 Feb. 2010 (SSG) Ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland ee saldhiggoodu yahay inta u dhexaysa xeebaha Laas-qoray iyo Maydh ayaa shalay aaggaasi ka helay dooni soo caariday oo sidday dad fara badan oo tahriibayaal ah.
Duqa magaalada Laaso-surad, oo u dhexaysa laasqoray iyo Maydh ,Cabdirisaaq Mohamed Saalax, ayaa weriyaha BBC ee Burco, Xuseen Aw Jaamac uga warramay sidii arrintaasi u dhacday.
Wuxuu mas'uulku u sheegay BBC-da in ciidamada ilaalada xeebaha ay saaka heleen doon ay saaran yihiin ilaa 53 qof, oo u badan dad Ethiopian ah, iyadoo qof mayd ahna uu saarnaa doonta.
Wuxuu intaas ku daray in dadkaas ay u sheegeen in markii hore ay doonta saarnaayeen ilaa 135 qof, oo intooda badbaaday maahee intii kale ay badda ku daadiyeen kooxihii doonta watay.
=======================================================================
Here is place for text.