Wararka Maanta

 

DOWLADA KENYA OO SHEEGTAY IN XILDHIBAANADA SOMALIDA KA BAXAAN DALKOODA.

 

Khamiis 21 Jan, 2010 (SSG) Wasiirka qaxootiga ee dalka Kenya Mr. Otieno Kajwang ayaa waxa uu u sheegay idaacada BBC in dalkiisa ay si sharci daro ah u degan yihiin ilaa iyo 100 xildhibaan oo Somali ah.

Wasiirka asigoo hadalkiisa sii wato waxa uu sheegay in xidhibaanada Somalida ay kabaax dalka kenya oo ay u noqdaan dalkooda qabtaana shaqadii loo doortay ama ay magangalyo siyaasadeed weydiistaan dowlada Kenya.

Maalmahii la soo dhaafay waxaa laxiray ilaa iyo 12 xildhibaan oo Somali ah kuwaas oo mudo hal sano ka badan deganaa wadanka oo dhinacna ugu bixin, taas oo jibasay sharciga qaxootiga ee dalka Kenya, keentayna in wasiirku uu soo saaro go'aano wax looga qabanayo arintaas.

Hadii ay qaxooti ama magangalyo siyaasadeed weydiistaan dalka Kenya waxa ay la mid noqonayaan dadka Somalida ah, oo waa in ay galaan xerooyinka qaxootiga ee Somalida loogu tala galay.

 

somsalgroup.com

Kenya

 

k.m. cali